Xulashada ku dhisan Hidde-sidaha Garaadka iyo Caqliga

(Wednesday, March 25, 2015)- Waxaad tahay kala badhka aabbahaa iyo hooyadaa, waxaadna ka hiddaysatay dhammaan DNA-da labadaada waalid hadday ahaato samayska jidhka iyo muuqaalkaba sida indhaha, wejiga, midabka jidka iyo joogaba. Sidoo kale xaga maskaxda, caqliga, garaadka iyo dabeecaddaba waxaad ka hiddaysataa waalidkaa taas oo saamaysa shakhsiyaddaada – Tusaale ahaan haddii laba waalid oo caqli badan ay dhalaan ilme waxa la filan karaa inuu noqdo mid cabqari ah oo garaadkiisu sarreeyo, haddiise laba garaadkoodu hooseyo ilme dhalaan waxay u badan tahay in ilmuhu isna aanu waxba dhaamayn amaba ka sii hooseeyo. Waa sababta loogu maahmaaho “Tufaaxa wanaagsan geedka wanaagsan ayaa laga gurtaa”. Dabcan haa oo waalidka wanaagsanna waxaa ka abuurma ubad wanaagsan dhanka garaadka, muuqaalka iyo dhaqankaba. Adna sidoo kale waxaad saamayn ku yeelan carruurta aad dhalaysid, waa adiga iyo qofka nolosha kula wadaaga’e. Waxaase ay tahay inaad ogsoonaatid ood aamintid in Alle Isagu leeyahay xukunkeeda.

Waxaan inta badan maqalnaa iyadoo la dhaho qofkii gaadha 40 sanno inuu dhalo carruur mudakir ah oo garaad badan. Da’daas ayaa ah marka qofka maskaxdiisu noqoto mid qaangaadh ah, sidaas darteedna uu wakhtigaas hiddasidayaashiisu tahay mid dhaxalsiinaysa in ilmaha marka uu dhashao uu noqdo mudakar ama mid caaqil ah.

Mar haddii labada waalid saameeyaan ugu yaraan kala badh ilmaha muuqaalka iyo dhanka caqliga garaadka/fahamka, xifdiga iyo xusuusta, xallinta khilaafka iyo halabuurnimadaba waxa iyana badhka kale ka timaaddaa bii’adda ama deegaanta uu ilmuhu ku barbaaro sida waxbarashada, dadka uu ku dhex barbaaro iyo duruufaha dhaqaale, barbaarintiisa, dhaqanka iyo fursadaha ama caqabadaha nololeed ee ku xeeran.

Hagaag. Haddii duruufta kugu xeeran iyo caqabaduhu badan yihiin kama dhigna inaanad wax badan maskaxdaada kaabi karin balse la legdanka nolosha iyo duruufaha ayaa carin karta maskaxda taasood u heli kartid u adkaysi iyo maaraynteedaba caqabadahaas taasoo kaa dhigaysa qof yeesha awood lagu xalliyo khilaafaadka iyo ta hal abuurnimada maskax ahaaneed – tan waxaa tusaale kuugu filan Steve Jobs oo abuuray shirkada Apple, noloshiisana yaraantii ku xeernayd caqabado badan oo nololeed balse u beddelay dhagxaanta dahab. Waana sababta aadan isaga dhaadhicin in duruuftu tahay caqabadda nolosha balse fursad u aragtid. Sidoo kale haddaad hesho waxbarasho wanaagsan, deegaan ku saacidaya ama fursado badan hesho sida barbaarin wanaagsan, dhiirigelin nololeed, akhlaaq iyo iyo dad ku dayasho mudan – dabcan maxsuulku aad buu u fiicnaan.

Haddaba kaalin intee le’eg ayaynu inagu ku leenahay wax ka beddelidda muuqaalka maskax ahaaneed ee ubadkeenna, maxayse tahay inaynnu samaynno si aynnu u helno ubad qurux badan maskax ahaan iy caqliba? Hagaag, jawaabta oo kooban waa qaddarka iyo doorashada qofka aad nolosha la wadaagi rabtid in Alle ubad dhexdiina ka beero. Waa halka Somaalidu ka tiraahdo “wiilkaaga waxaad u hiilin kartaa markaad hooyadii dooranaysid” sidoo kale inantuna waxay wiilkeeda maa gabadheeda u hiilin kartaa markay aabbahood dooranayso. Qofkaad dooranayso waa inuu yahay qof maskaxda, quluubka, ruuxda iyo jidkaba ka qurux badan. Waa inaad sawirataa sawirka ilmaha aad rabtid in Alle ku siiyo ka dibna sawirkiaas ku doorataa qofkaaga adoo eegaya dhanka fikirka, akhlaaqda, diinta, dabeecadda, garashada, iimaanka iyo dadnimadaba – dabcan inta badan quruxda waxaan u naqaan waxa indhaheennu qabtaan, qaabdhismeedka jidheed ee shaqsiga kale iyo cuudka ay haystaan, mase aha.

Alle kor ahaaye ayaa Quraankiisa kariimka inoogu sheegay inaynnu nahay khaliifadii dhulka. Markaa waa muhiim inaynnu ilaalinno tayada iyo nooca ubadka innaga beermaya inay noqdaan kuwo hanan kara masuuliyaddaas innaga oo ka fekerayna sida ay u ekeen doonaan inta aysan dhalanba!

Qaddarku waa tiir ka mid ah iimaanka. Waana inaynnu aaminsanaanno. Dedaalka ayaan innagu leennahay iyo isku dayga wanaagsan. Tusaale ahaan waxaad jeclaysatay inaad dhasho ilme ku fiican xisaabaadka. Weli ma fekertay inaad saamayn ku yeelan kartid ilmaha intuusan dhalan inuu maskax ahaan u carbisnaado xisaabta? Aan bal eegno qaabkan in kastoo cilmiyan aan la xaqiijin balse waa musawir qurxoon. Wakhti ka hor, qiyaastii bil ama in ka badanba intuusan ilmuhu calool gelin haddii aabbaha iyo hooyada wax badan wakhtigooda ku bixiyaan ama isku mashquuliyaan ka shaqaynta iyo ku foognaanta cilmiga xisaabta amaba ay yihiin dad ka shaqeeya goobo xisaabeed sida bangiyada waxa maskaxdooda aad u firficoon qaybta khusaysa waaqiciga. Xisaabaadka xilligaasna waxay suurtagalnimadeedu badan tahay in hidasadohooda ay u gudbinayaan ilmaha caloosha gala hidde u saaxiib ah xisaabta ama ilme si dabiiciyan ah xisaabta ugu fiican. Marka ilmahaasi dhasho haddii yaraantiisa lagu barbaariyo agab xisaabeed uuna helo waxbarasho la taxalluqda cilmiga xisaabta waxa ay aad ugu badan tahay in uu noqon karo qof xisaabta looga daba fadhiisto – sidoo kale ayaad dhankaad jeceshahayna ugu dadaali karta. Haddii lammaanuhu is aroostaan ka dibna tuntaan, ku bixyaan wakhtigooda waxyaalahaas, ilmaha u calool gala markuu dhashoba lala hor fadhiisto shaashadaha telisfiyoonnada, dabcan maxsuulkaas uma badna inuu noqdo mid fiican.

Jacaylka ay wadaagaan lammaanuhu ayaa saamayn weyn ku leh ilmaha intuusan dhalan. Haddii hooyadu hesho jacayl iyo degganaansho xilliga ilmahu uurka ku jiro waxa jidhkeedu sii daynayaa dheecaammo, taasoo ilmaha ka dhigi mid xasilloon markuu dhasho – ogsoonow in xitaa marka hooyadu dhoollacaddayso in ilmuhuna isla dhoolla caddaynayo – tan waxa lagu ogaaday cilmi baadhis la sameeyey! Sidoo kale cadhada iyo murugada hooyada ayaa u gudubta ilmaha. Si tan looga taxaddiro waxay noqon in lammaanuhu isu hibeeyaan kalgacal dhexdooda, lana siiyo hooyada taageerada shucuur ahaaneed ay u baahan tahay markasta maxsuulkeeduna kuma koobnaan jacaylka dhexdiina balse wuxuu usii gudbi ilmaha. Waa halka Somaalidu ka tiraahdo “awlaad jacayl udgoonkaad ka garataa”

Si aad haddaba u hesho ubad u qurxoon maskax, qalbi, ruux iyo jidh ahaanba waxaa ugu horraysa xulashada lammaanahaaga, hab dhaqanka noloshiinna iyo barbaarinta ubadka oo mid kasta leedahay hab maamuskeeda u gaarka iyo waajib kaa saaranba shakhsi ahaan.

Wa billaahi tawfiiq.

Cabdinaasir Axmed X. Aadan Afqallooc

Email:afgobaad@hotmail.com

 

About Bile

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>