Wasiirka cusub ee waxbarashada Somaliland oo xilka si rasmi ah ula wareegay

(Tuesday, March 24, 2015)- Wasiirka cusub ee wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland ayaa si rasmi ah xilka ula wareegay xilkii wasaaradaasi

Munaasibad  balaadhan oo lagu qabtay xarunta wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee somaliland ayaa waxa ka soo qayb galay agaasimayaasha waaxyaha wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare, wasiiro ka socday xukuumada, xildhibaano ka tirsan golayaasha wakiilada iyo guurtida iyo masuuliyiin kale.

Wasiirkii hore ee wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare marwo Sam Sam Cabdi Aadan oo munaasibadan ka hadashay ayaa amaan balaadhan u soo jeedisay shaqalaaha wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare waxaana hadaladeedii ka mid ahaa  “waxaan leeyahay wasaarada waxbarashadu waa wasaarad aad u wanaagsan dad wanaagsana leh meel kasta oo wadanka la tagana jooga, dadkaas oo haddii aad niyad wanaagsan iyo shaqo wanaagsan aad tusto oo aad si walaaltinimo ah ula shaqayso  wax badan kula qabanaya waxa horu mar ah ee laga hadlayeyna kaligay maan samayn  waxa sameeyey dadka wasaarada waxbarashada ka shaqeeya kuwaas oo u xaydan hawlaha qaranka.”

Wasiirka cusub wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare mudane Faarax Maxamuud Cilmi “Geedoole” oo isaguna munaasibadan ka hadlay ayaa aad “  waxaan aad ugu mahad naqayaa madaxda wasaarada waxbarashada balan qaadka ay ii balan qaadeen ee ay ii sheegeen inaanay wax masaabiir ahi ii oolin wasaarada  aniguna waxaan u balan qaadayaa in qaabkii ay idinla shaqaynaysay wasiirkii hore ee aad ku kalsoonaydeen iyo mid ka sii fiican inaan idinla shaqayn doono, agaasimaha guud ee wasaaradana waxaan u balan qaadayaa inaanu si fiican u wada shaqayn doono, waxaanan aad u filayaa  inaanu shaqaalaha wasaarada wada shaqayn buuxda yeelan doono.” Ayuu yidhi wasiirka cusub ee wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee somaliland Faarax Geedoole.

About Bile

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>