Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo sheegtay in sanadkan ay awooda saaridoonto waxbarashada Naafada

(Tuesday, March 24, 2015)- Waasaradda Waxbarashada Puntland ayaa sheegtay in ay kor uqaadayso waxbarashada dadka baahida gaarka ah qaba oo ay noqon doonaan kuwo laga dhex arko waxbarashada Puntland.

Wasiirka waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland Cali Xaaji Warsame oo maanta ka qayb galay kulan looga hadlayey siyaasad cusub oo ay yeelan doonaan Naafada Puntlan ayaa xusay in wasaaradda waxbarashada Puntland ay sanadkaan da’daal ku bixin doonto kor uqaadida waxbarashada Naafada.

Cali Xaaji ayaa sheegay dadka Naafada ah ay xaq uleeyihiin inay helaan waxbarasho dhamaystiran isagoo carabaabay in siyaasada Cusub ee lagu dhaqi doono naafada ay ku qoran tahay in dadka naafada ah ay helaan waxbarasho Dhamaystiran.

Wasiir Cali ayaa tilmaamay in shirkii dhawaan looga hadlayey dib u qiimaynta waxbarashad Puntland in lagu soo qaaday dadka baahida gaar ka ah qaba inay sifiican uga muuqadaan waxbarashada.

Waxaa uuna Hadalkiisa ku siidaray wasiirku in go’aanku noqday in sanadkaan 2015 qorshaha wasaaradda waxbarashada Puntland in lagu muujiyo dadka baahida gaarka ah leh .

 

About Bile

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>