Telefishan ku daarmaya dhoola cadaynta oo tijaabadiisii labaad lagu guulaystay

(Monday, March 23, 2015)- Nin farsama-yaqaan ah oo magaciisa la yiraa David Haidberg ayaa soo saaray Telefishin cusub oo aan isagoo kale horay loo arag, kaasi oo dhoola-caddeyn kaliya lagu daawan karo.

Haidberg ayaa Telefishinkan ugu magac daray Smile TV, ujeedada uu ka leeyahay sameyntiisana waxay tahay inu iskusoo dhaweeyo xiriirka daawadaha iyo Telefishinka.

Intii uu daawaduhu ku dhoola-cadeyn lahaa muuqaalada uu telefishinku ka arko, waxaa qasab ku ah inuu marka horaba dhoola caddeeyo si uu telefishinku u shidmo.

Smile TV oo Kaamirad qarsoon wata ayaa wuxuu soo bandhigayaa silsilado Filimaan lagu nasto ah sida cayaaraha lagdanka, muuqaalada Xayawaanada lagasoo duubo, iyo muuqaal ciyaareedyo kale.

Kaamiradda ku jirta Telefishinka ayaa kormeereysa dareenka wajiga qofka daawadaha ah oo markuu dhoola-cadeeyo kaliya ay shaashadda Telefishinku soo daarmeyso, halka marka dhoola-caddeyntu joogsatana ay iskeed isku daminayso.

Farsama-yaqaanka sameeyay Telefishinkan ayaa yiri “ dareenka xun iyo waxaan isku xiray howl-qabashada farsameed ee tabarta daran ee telefishinka”.

Wuxuu intaas raaciyay “Aaladdan waxaa loo adeegsanayaa tiknoloojiyadda barashada wajiga. Mana shaqaynayo illaa qofku dhoola caddeeyo.”

About Bile

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>