Sheekh Shariif: “Ummad kala aqoon ah isma fahmi karaan”

shariifMadaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay in ummadda si ay isku fahamto loo baahan yahay inay isku aqoon dhow yihiin buslahadaas.

Shariif Sheekh Axmed ka hadlayay xaflad lagu daah furayay Ururka Sama-doon ayaa sheegay in warbixinnada Qaramada Midoobay ay sheegaan in ugu badnaan shacabka Soomaaliyeed ee wax barta lagu qiyaasi karo illaa 40%. “Haddiiba sidaas loo aamino, waxaa maqan 60% oo aan waxba baran. Haddaba sidee isku fahmayaan inta waxbarata iyo intaanan wax baran”, ayuu yiri.

Madaxweynihii hore Sheekh Shariif wuxuu intaasi ku daray in ummadda inay isla fahamto danteeda, wixii khatar ah ku ah iyo guud ahaan noloshaba in loo baahan yahay inay wada haystaan aqoon aasaasi ah.

Haddaba waxaa loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo sidii loo baahin lahaa aqoonta, haddii kale way adkaan doontaa in la helo ummad wax isla fahamsan.

 

About admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>