QURAAC LA’AANTA OO SABABTA CAAFIMAAD DARRO DHANKA MASKAXDA IYO JIRKA AH

(Tuesday, March 24, 2015)- waxaa lagu tiriyaa quraacda in ay tahay sheyga ugu muhiimsan uu u baahanyahay qofka insaanka sababtoo ah waxay kaalin weyn ka qaadataa korriinka jirka qofka

waxaa jiro cuduro badan oo ka dhasha quraac laaanta, waxayaabaha ka dhasho qofka hadii uu is moogeeysiiyo quraacda waxaa kamid ah:

 

  1. waxay keentaa quraac la’aanta in ay hoos u dhacdo saamiga sokorta ee ku jiro dhiiga taasoo saameyn ku yeelaysa dhamaan xubnaha jirka oo dhan.
  2. waxay keentaa quraac la’aanta daal iyo xanuuna kale oo tira badan oo ay kamid yihiin madax xanuun, iyo xusuusta oo xumaato.
  3. waxay keentaa quraac laanta caatanimo, tabar dari iyo caajis joogta ah.
  4. baaritaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in quraacda oo laga tago ay sababto qofka in uu si daran u isticmaalo xilliyada kale raashiinka taasoo keenta qofkii in uu cayilo.

 

Isku soo wada duubee cilmi baarayaasha sameeyay daraasadani ayaa sheegay in quraacda subaxii hore ay door muhiim ah ka qaadato awooda bini’aadamka iyo waliba caafimaadkiisa iyadoo la sheegayna in cunista quraacda ay meesha ka saareyso cuduro badan oo ay ka midka yihiin, cayilka jahwareerka iyo madax xanuunka.

About Bile

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>