MAXAA LAGU XASUUSAN DOONAA WASIIRADII HORE WAXBARASHADA SOMALILAND

(Monday, March 23, 2015)- Wasiirkii hore ee Wasaarada Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare, ee Somaliland, Marwo Samsam Cabdi Aadan, Mudaddii, ay xilka Wasaarada haysay, waxay hir-gelisay waxyaabo badan oo wax ku ool ah, waxay ku guulaystay inay fuliso dhismayaal cusub oo kor loogu qaadayo maamulka tirada iyo tayada, waxbarashada ,waxaanay diyaarisay siyaasado iyo Istaraatiijiyado muuqda oo lagu hagayo nidaamka Waxbarashada .

Hadaba, innaga oo aan halkan ku soo wada koobi karin waxqabadyadii Wasiirka, u qabsoomay mudaddii ay xilka haysay, waxaanu halkan si kooban oo guud mar ah ugu xusaynaa qodobo ka mid ah waxqabadkii Wasiirka.

- Dhismayaasha ,xarumaha la aasaasay iyo dhismayaasha waawayen ee socda iyo kuwa qorshaysan

-Waxa la dhisay xarumahan soo socda :

– Xarunta waxbarashda golka salal

– Xarunta waxbarashada Gobolka Gabilay

– Xarunta waxbarashada Gobolka Hawd

– Xarunta waxbarashda Goblka Oodwayne

– DhismahaJjaamacadaha Ceerigaabo

– Dhismaha Jaamacada Daraasaadka Islaamka ee Jaamacadda

– Dhsimaha ;Laybareeriga Haragsia

– Dhismaha hoolka Jaamacada Gabilay iyo dhismaha deyrarka dugsiyada ee Gabilay.

– Dhismaha Jaamacada Camuud

– Dhismaha Jamacada Dadhan

– Dhismaha Jaamacada Berbera

– Dhismaha Jaamacada Burco

– Dhismaha Dugsiga agoomaha Burco

– Dhismaha dugsiyada Degmada Allaybaday

– Dhismaha Waadh caafimaad oo loogu tallo-galay shaqaalaha Wasaarada Waxbarashadda oo laga dhisay Cusbitaalka Weyn ee Hargeysa.

– Dhismaha wayn ee Xarunta Wasaarada Waxbarashada IyoTacliinta Sare, oo ka kooban laba dabaq.

Xarumaha aan hore u jirin ee la aasaasay

1.Dhismaha Degmo Center for heritage and rural life

  1. Dhismaha Akadamiyada Sayniska iyo Arts-ka
  2. Dhismayaasha waawayen ee socda ee qorshayesan

4..Dugsiga sare ee Bursade, ee Berbera

  1. Dugsiga farsamada gacanta ee cusub, ee Hargaysa-Maroodi-jeex

6.Maxadka tababarka macliimiinta –Hargaysa- Maroodi jeex

7.Dugsiga sare ee jiifka ah ee Dayaxa-Sanaag

8 .Dugsiga sare ee jiifka ah ee Laascaanood- Sool

Korodhka miisaaniyada Wasaaradda iyo waxqabadyadda kale ee soo kordhay

Markii Wasiir, Marwo Samsam Cabdi Aadan, ay xilka Wasaaradda la wareegay Maaliyada Wasaaradu waxay ahayd, 13,583,732,140 Somaliland Shillin, imika oo ay xilka wareejisayna waxa ay ahayd oo ay dhamayd, 76,980,541,098 oo Somaliland Shillin ah, waxa kordhay 63,396,808,958 oo noqonaysa (82%)

– Markii Wasiir Marwo Samsam, ay xilka la wareegtay tirada shaqaalaha Wasaaraddu waxay ahayd Laba Kun Laba Boqol Iyo Todoba qof oo shaqaaleah, immika oo ay xilka wareejisayna tirada shaqaalaha Wasaaraddu waxay dhamayd 6357, qof oo shaqaale ah, waxaana kordhay 3650 qof oo shaqaale ah, taas qiyaasta korodhku ay noqonayso 57%.

– Qaadashada siyaasada Waxbarashada bilaashka ah (free premiray education)

– Wasiirku waxay fulisay hirgelinta siyaasada dawlada ee ah in la siiyo dhamaan muwaadiniinta waxbarasho bilaash ah .

– Korodhka dugsiyada hoose /dhexe iyo sare dawli /gaar iyo korodhka tirade fasalada

– Markii Wasiirku ay xilka la wareegtay tirada dugsiyada hoose /dhexe ee dawliga ah iyo kuwa gaarka ahi waxay ahaayeen 762, immkana tiradoodu waa 1164.

– Markii Wasiirku xilka la wareegtay tirada dugsiyada sare dawliga ah iyo kuwa gaarka ahi waxay ahaayeen 86, immkana waxay tiradoodu dhan tahay 120

-Ttirada fasalada kordhay intii Wasiirku xilka hayay waxay tiradoodu dhan tahay 7788

– Markii Wasiirku xilka la wareegay tirada dhismayaashii gaarka u ahaa Hablahu waxay ahaayeen Eber, oo may jirin-ba, immikana tiradoodu waxay dhan tahay 45 qol.

-Shaqaalaha markii Wasiirku xilka la wareegtay tirada shaqaalaha Wasaaradu, waxay ahaayeen 2707, immkana tiradoodu waxay dhan tahay 6357, waxa kordhay 3650 shaqaale ah 57%

– Tirada Baabuurta la iibiyay qaarna lacagtooda qayb la bixiyay

– Tirada baabuurta la iibiyay qaarna lacagtooda qayb bixisay kuwaas oo lagu adeego kobcinta iyo tayeynta waxbarashadu waa:

– Laba baabuur oo Landcruiser ah (Landcruiser )

– Saddex baabuur oo Seeraf ah (Surf)

– Saddex baabuur oo Nooho ah (Noah)

– Siyaasadaha/Hagayaasha iyo istaratijiyadaha

Intii wasiirku xilka haysay waxa lagu guulaystay in la diyaariyo siyaasado, istiraatijiyado iyo qorsheyaal lagu hagayo waxbarashada dalka, wax aka mid ah kuwo dhamaystiran iyo kuwo wali qabyo ah. Shaxdan ayey ku xusan yihiin.

Siyaasadaha/Hagayaasha iyo Istaraatijiyadaha Status
National Education Act Waxa loo gudbiyay golaha wakiilada
National education policy Waa la dhamaystiray
Educational sector strategic plan(2012-2016) Waa la dhamaystiray
Teachers education sub policy Qaybyo
Teacher code of conduct Waa la dhamaystiray
Strategic for female participation in education Final
Vocational qualification framework waa la dhamaystiray
Vocational qualification authority bill Qabyo
Human resource policy and procedure Qabyo
Curriculum frame work Qabyo
Hire education act Qabyo
National hire education information communication strategy Wa la dhamaysgiray
TVET policy and TVET emplimantion guide lines Qabyo
NFE policy Qabyo
Inclusive education guide lines Qabyo
Special needs policy Qabyo
Minimum standard for higher education Waa la dhamaystireay
Quality assurance minimum standards Waa la dhamaystiray
  1. mashaariicada iyo barnaamujyada ka socda Wasaarada Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare

8.1 Horumarinta Cilmiga oo ay si wadajir ah u fulinayaan Hay’addaha Save the children ,NRC iyo CARE

8.2 AG oo ay si wadajir ah u filinayaan Hay’addaha AET iyo CFBT

8.3 SYLA oo ay wadajir ah u fulinayaan Hay’addaha MERCY CORPS iyo CARE

8.4 Global parternaship for education oo ay si wada jira u fulinayaan wasaarada waxbarashada iyo UNICEF

8.5 Educate a child, oo ay fulinayso Hay’adda UNICEF

8.6 Kobcinta Waxbarashada hablaha oo ay si wada jira u fulinayan Hay’adaha RELIEF INTERNATIONAL,ADRA iyo ,CFBT

8.7 Kobcinta Waxbarashada hablaha oo ay fulinayso Hay;adda CARE

8.8 Literecy and numerousy oo ay fulinayso Hay’adda UNISCO

8.9 UNICEF iyo Wasaarada waxbarashda iyo tacliinta sare

9.Tirada Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah ee la shaqeeya Wasaarada Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare la shaqeeya waxay dhan yihii 19 Hay’adood

 

Alla-Mahad Leh

Mudane: C/laahi Ibraahim Xaaji Xasan.

Af-hayeenka Wasaarada Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare ee Somaliland.

Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Baay)

 

About Bile

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>