Manhajka Masar oo laga saaray Halyeynimadii Salahudiin Al-ayuubi iyo Cuqba Binu-naafic.

(Isniin, 23, March 2015)- Halyeynimadii Salahudiin Al-ayuubi iyo Cuqba Binu-naafic.

Waxaa horaan looga saaray manhajka taariikhda Masar, sheekooyinkii halyeynimadii Khalid binu-waliid, maantana waxuu soo saaray wasiirka waxbarashada Masar in la saaro sheekooyinka Salaaxuddiin Al-ayuubi iyo Cuqbah Ibanu-naafic.

Sababta waxaa lagu sheegay in sheekooyinkaa ay qeyb ka qaadanayaan soo saarista arday dagaal u diyaar garaysan!!!!!!.

“Aniga waxey iila muuqataa in umaddan laga doonayo in laga siibo sooyaalkeedii iyo halyeyadii ay ku dhaadan jirtay, kadibna ay iska noqoto xoolo meel ku xareysan, oo aan laheyn tirsi jiritaan” ayuu yiri mid kamid taariikhyahannada dalka Masar.

Dalka Masar ayaa waxaa uu kamid yahay wadamada ugu manhajka wanaagsan Afrika, hasa yeeshee, tobankii sano ee ugu dambaysay ayaa waxaa lagu samaynayay isbadallo caynkaan oo kale ah.

Khubarada taariikhyahanada ah ee dalka Masar ayaa ku andacoonaya in go’aanka wasaaraddu in uu yahay mid aanan laga fiirsan oo cawaaqib keeni kara. dhanka kale, khubarada manhajka dalkaasi ayaa go’aankeeda u aragta mid dan u ah mustaqbalka caruurta masar.

Xigasho:

About Bile

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>