Kansarka ku dhaca uur-kujirta oo daawo loo helay

(Saturday, March 28, 2015)- Shirkadda daawooyinka soo saarta ee loo yaqaano THE LANCET MEDICAL” ayaa shaaca ka qaaday in ay soo saartay daawo looga hortagayo “ kansarka ku dhaca uur ku jirta” .

Shirkadaani soo saarta daawooyinka ayaa waxaa laga leeyahay dalka Mareykanka waxey shegtay iney soo hindiseen daawooyin cusub oo loogu tala galay in loogaga hortago kasnsarka ku dhaca uur kujirata oo ka mid ah xubnaha ugu muhiimsan ee aadanaha .

Dhaqaatiirtani ka howlgasha xarunta THE LANCET MEDICAL ayaa waxay cadeeyeen in daawooyinkaasi ay dhawaan ay ku soo bandhigi doonaan suuqyadda caalamka gaar ahaan goobaha caafimaadka.

Baarayaashani u qaabilsan shirkadani dhanka farsamada daawooyinka ayaa sheegay in lagu duri doono daawo tijaabadeeda la hubiyay si loo yareeyo khatarta cudurka kansarka.

Mas’uuliyiinta shirkadan ayaa rajaynaya in ay ku guuleysan doonaan mashruucoodani cusub oo ay ugu tala galeen in ay ku samata bixiyaan dadka iyaga la dhibaatoonaya cudurka kansarka gaar ahaan kan ku dhaca uur ku jirka.

About Bile

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>