Jaamacadda Bosaso ayaa imtixaan u soo gaba-gabeysay ardayda master degree-ga

(Monday, March 23, 2015)- Waxaa maanta jaamacadda Bosaso faraceeda magaalada Bosaso ay imtixaan u soo gaba-gabeysay arday gaaraysa 25 arday, imtixaankaasi oo ahaa waxbarashada sedexaad ee Master Degree.

Imtixaanka ay galeen ardayda ayaa ahaa simisterka kowaad, waxa ayna semisterka labaad ay geli doonaan bisha October 2015.

Ardayda imtixaanka u fadhiisatay ayaa in muddo ah baranayey master shareeca islaamiyah iyo master luqa carabiyah.

Waxaa iska kaashaday waxbarashadan sedexaad ee master degree jaamacadda Bosaso iyo jaamacadda Sudaan Maftuux, iyadoo uu hogaaminayey wafdiga ka socday jaamacadda Sudaan ee ku sugnaa jamaacadda Bosaso, madaxa waxbarashada sare ee jaamacdda Suudaan Maftuuc Dr. Abalkhalig Fadli Rahamta.

Gudoomiyaha jaamacadda Bosaso Maxamad Mahad Ciise oo saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay in loo baahan yahay in ardayda Soomaaliyeed inay ka faa’ideystaan waxbarashada sedexaad ee lagu soo kordhiyey jaamacadda, iyadoona isdiiwan gelinta haatan ay ka socoto jaamacadda.

 

About Bile

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>