Facebook iyo shariikadaha wax xayaysiista maxaa kala haysta?

(Friday, March 27, 2015)- Shirkada Facebook  oo ka mid ah shirkadaha xiriirka bulshada ayaa  sheegtay in  ay dib u eegeysaa videos-ka iyo xeyaysiinta in ta badan lasoo saaro barta facebook.

Facebook ayaa sheegtay in ay diyaarisay shururuuc loogu talagay muuqaalada ay shirkadaha ganacsigu soo dhigaan barta facebook.

Arimaha ugu waa weyn ay shirkada dooneyso in ay wax ka qabato ayaa waxaa ka mid ah muuqaalada dhanka shirkadaha soo dhiga muuqaalda anshaxdaradaa iyo shirkadah hubka xayaysiiya kuwaas oo dadka saameyn ku yeeshay iyadoo caruur badan ay dhibaato kala kulmeen.

Faceook ayaa waxa ay sameyn doontaa barnaamij ka xanibaayo caruurta da’dooda ka hooseesa  18-sano jir in ay daawadaan xayaysiin hubka ee lasoo dhigo baraha Facebook.

Madaxa shirkada facebook ayaa warbaahinta u sheegay in nidaamkaan cusub uu caruur badan ka ilaaliyo in ay daawadaan hubka iyo falimaanta xunxun sababtu ay tahay in lasocdo waxyeelada tani ay keenikarto.

About Bile

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>