DARAASAD CUSUB OO SHAACA KA QAADAY FAA’IIDOOYINKA BAASKIILKA ( MA U MALAYNAYSAY…).

(Thursday, March 19, 2015)- Daraasaddan oo lagu daabacay bogga inta badan daabaca daraasadaha dhanka caafimaadka ee Al-Carab.net, waxaa ay daraasaddan isbarbar dhig ku sameyneysaa isticmaalka Baaskiilka iyo gaadiidka kale sida Gaariga ama Mootada – xilliga shaqada la tagayo ama laga soo noqonaya .

Seynisyahanada soo saaray daraasaddan, waxaa ay ay cadeeyeen in Baaskiilka uu u wanaagsan yahay caafimaadka jirka Bini’aadamka gaar ahaan qeybaha kala goysyada iyo ka shaqeystiinta xubnaha jirka.

Waxaa cilmi-baaris ku saabsan macluumaadka ay xambaarsan tahay daraasaddan lagu sameeyay ilaa 20,000 qof oo shaqaale ah oo baaskiilkooda ku aada shaqada, waxaana daraasadda ay muujisay 40% dadkaasi kumamaanka ah uu caafimaadkoodu yahay sidii loogu talagalay, halka 17% (todobo iyo toban boqolkiiba) cadaadiska dhiiga uu aad wanaagsan yahay. Faa’idooyinka ay qabaan waxaa u sii dheer in ayka badbaadaan cudurka sokorta.

14,000 qof oo kale ayaa waxaa iyagana lagu sameeyay cilmi-baaris, kuwaa oo shaqada ku taga gaari kagana soo noqda. waxaana natiijada ay noqotay:

156 qof oo keliya oo ka mid ah dadkaasi ayaa ka badbaaday oo dhibaato caafimaad xumo aan sheegin, halka inta kale ee tirada ay sheegteen dhibaatooyina caafimaad darro ah.

Daraasaddan ayaa ku dhiiri galinaysa dadka in ay isticmaalaan Baaskiilka xilliga shaqada ay tagayaan ama dib uga soonoqonayaan  bedelkii ay adeegsan lahaayeen gaadiidka noocyadiisa kale.

 

 

About Bile

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>