Danjiraha Turkiga oo hadal u jeediyay Ardayda Jaamacada SIMAD”SAWIRRO”

(Wednesday, March 25, 2015)- Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Olgan Baker ayaa maanta booqasho ku tagay xarunta Jaamacadda SIMAD; isagoo hadal u jeediyay qaar ka mid ah ardayda Jaamacadda ayaa sheegay inay ka go’an tahay dowladdiisa sii wadista taageerada horumarineed iyo midda waxbarasho ee Somalia.

“Waxaan horay u taageernay jaamacadaha Somalia, annagoo ugu deeqnay qalab kala duwan oo ay ku jiraan kambiyuutarro; waana sii wadi doonnaa teegeeradas. Fursadaha waxbarasho ee bilaashka ah waa mid muhiim noo ah; waxaana jirta hay’ad dowli ah oo qaabilsan arrintan, hay’addaas sannad kasta waxay bixisaa deeqo waxbarsho. Dowladda Turkiguna waxay sannad walba waxbarsho siisaa 500 oo arday Soomaaliyeed ah,” ayuu yiri danjire Olgan oo ka jawaayay su’aal ay ardaydu weydiiyeen.

Sidoo kale; danjiruhu wuxuu sheegay in dowladda Turkigu ay mashaariic horumarineed oo badan kawaddo Soomaaliya, kuwaasoo lagu xoojinayo kaabayaasha dhaqalaah dalka sida; dekadda; garoonka diyaaradaha iyo qaar kale oo xiriir la leh arrimaha gargaarka bani’aadanimmo.

Danjire Olgan Baker ayaa kormeeray qaybaha jaamacaddu ay ka kooban tahay wuxuuna booqday fasallo ay ardaydu dhiganayeen, isagoo kulan gaar ahna la qaatay maamulka jaamacadda.

Gudoomiyaha Jaamacadda SIMAD; Daahir Xassan Carab ayaa uga mahad-celiyay safiirka shaqada uu ka hayo dalka, isagoo matalaya shacabka iyo dowladda Turkiga, wuxuu si gaar ah u xusay taageerada joogatad ah ee ay siiyaan jaamacadaha dalka ka jira iyo ardayda Soomaaiyeed ee ay deeqaha waxbarasho dalkooda ugu qaadaan.

“Wuxuu la hadlay arday kala duwan, wuxuu u sheegay sida ay xukuumadda dalka Turkigu albaabada ugu fureen ardayda Soomaaliyeed oo ay diyaar ugu yihiin inay takhasusyada ay u baahan yihiin ay ku sameeyaan dalka Turkiga, taas oo ah mashruuc socda oo ay Turkigu horay u fureen, waana lasii xoojinaya. Annaga ka SIMAD ahaan waxaan tusnay qalabkii ay noogu deeqeen oo shaqeynaya, waana soo dhaweyneynaa,” ayuu yiri Daahir Carab.

Dowladda Turkiga ayaa si joogto ah teegeero qalab iyo mid farsamo u siisa jaamacadaha ku yaalla dalka. Sanandkii hore dalladda SOMALI-REN oo ay ku mideysan yihiin Jaamacado ku yaalla gobollada waddanka iyo machadyo ayay dowladda Turkigu siisay matoorro dabka dhaliya iyo kombiyuutarro.

3

1

2

6

7

 

About Bile

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>