180 wadan oo isku raacay in gabi ahaanba laga hortago cabista Sigaarka

(Tuesday, March 24, 2015)- Shir caalami ah oo ka dhacay magaalada Abuu Dubai ayaa waxay dalbadeen dadkii ka soo qayb galay shirkaasi caalamiga ah in laga hortago cabida sigaarka.

Shirkani ayaa waxa uu ka soconayay magaalada dubai mudo 5 maalmood ah, kaasoo loogaga arinsanayay dhibaatada ama aafada uu ku haayo sigaarka dadka sida ba’an u isticmaala.

Warbixin laga soo saaray shirkaasi ayaa lagu sheegay in sigaarka 6-dii daqiiqadba uu ugeeriyooda 1-qof oo ka mid ah dad iyaga isticmaala sigaarka, taasoo ay ka dhigan tahay in sanadkii ay u geeriyoodaan dhibaatooyinka uu sababo cabista sigaarka ilaa iyo 6 milyan oo ruux iyadoo arinkaani laga soo xigtay hay’aada caafimaadka aduunka ee WHO.

Dhanka kale Hay’ada caalamiga ah ee aduunka WHO ayaa waxay shaaca ka qaaday in qarnigaan aynu ku jirno ee 21aad, hadii aanan laga hortagin dhibaatada uu leeyahay sigaarka ay gaarayso ama u dhiman doonaan malaayiin dadyaw ah.

Waxaana lagu soo waramayaa in shirkaasi la’isku raacay in gabi ahanba la sameeyo digniino ku aadan cabida sikaarka iyo dhibaatooyinka uu leeyahay, waxaana la soo gudbiyay liiska 180 wadan in ay raali ka noqdeen arinkaasi.

About Bile

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>